Waxaa weli socdo weerarrada Israa’iil ay ka wado gudaha Qaza gaar ahaan dhanka Waqooyi.
Ugu yaraan 47 ruux ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday xerada qaxootiga ee al-Maghazi.
6 qof oo kale ayaa lagu dilay duqeyn lala eegtay xerada qaxootiga ee Jabalia .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale xeradan laga burburiyay ishii biyaha ee ugu muhiimsanayd.
Ugu yaraan 9,488 Falastiiniyiin ah ayaa ilaa iyo hadda lagu dilay weerarrada Israa’iil tan iyo 7-dii bishii hore ee Oktoobar ee sanadkan.