Waxaa la xaqiijiyay inay dhinteen labo qof ka dib daadad ka dhashay roobab ka da’ay ismaamullada Mombasa iyo Meru.
Ismaamulka Mombasa hal qof ayaa dhintay ka dib markii ay xalay biyo galeen gurigiisa.
Qofka kale ayay biyo qaadeen xilli uu ku wajahnaa hooygiisa oo ku yaalla deegaanka Igembe ee ismaamulka Meru.
Sidoo kale waxaa daadadka hooy la’aan ku noqday in ka badan 100 qoys oo deggan Tigania oo ka tirsan Meru.
Qaar ka mid ah shacabka deegaankaasi ayaa warbaahinta uga warramay saameynta ka soo gaartay daadadka.
Faith Murage oo ka mid ah mas’uuliyiinta halkaasi ku matalo dowladda dhexe ayaa ka hadashay sida loogu gargaari doono qoysaska fatahaadaha ku barakacay ee ismaamulka Meru.