In ka badan 6.3 milyan oo beeraley ah oo la diiwaangeliyay

0
268

Guddoomiyaha guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan arrimaha beeraha John Mutunga ayaa sheegay in dowladdu ay ilaa iyo hadda diiwaangelisay ugu yaraan 6.3 milyan oo beeraley ah.
Arrinkan ayuu shaaca ka qaaday xilli uu magaalada Lusaka ee dalka Zambia uga qayb galay xuska maalinta cunnada iyo nafaqada ee Afrika.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladda Kenya ay kordhisay miisaaniyadda lagu taageero wax soo saarka beeraha.
John Mutunga ayaa xusay in nidaamka ay dowladdu kobcinta dhaqaalaha uga soo billaabaysa meel hoose ee Bottom-Up uu yahay mid la doonayo in suuqyada ay noqdaan kuwo shaqeynaya oo ay si gaar ah uga faa’iidaan ganacsatada yaryar.
Waxaa uu ku celceliyay in arrinkan looga gol-leeyahay in lagu wanaajiyo nolosha bulshooyinka horay loogu gacan bidixeeyay dhinaca horumarka.
Mudanaha laga soo doortay deegaanka Galbeedka Tigania ee ismaamulka Meru ayaa dhanka kale sheegay in Kenya ay ku dadaalaysa sidii xal casri ah loogu heli lahaa caqabadaha ka jiro waaxyo kala duwan sida wax soo saarka beeraha.
Xeer dejiyaasha ka qayb galay shirka Lusaka ayaa daahfuray iskaashiga baarlamaaniga ah ee dhanka nidaamyada cunnada ee Afrika (AFSPaN).
Ujeeddada wada shaqeyntan ayaa ah in garab la siiyo horumarka beeraha ee qaaradda iyadoo loo maraya xeer dejin, kormeerid iyo qoondeynta miisaaniyadda.