Israa’iil oo xerada qaxootiga ee Jabalia ku dishay ku dhawaad 200 oo qof

0
195

Waxaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in ugu yaraan 195 qof ay ku dhinteen duqeymo ay Israa’iil ka gaysatay xerada qaxootiga ee Jabalia ee Qaza.
In ka badan 120 qof oo kale ayaa la la’yahay.
Wax ka yar 48 saacadood, ilaa 1,000 qof ayay saameyn ka soo gaartay labo weerar oo ay Israa’iil ku bartilmaameedsatay Jabalia sida laga soo xigtay xafiiska warfaafinta ee maamulka Qaza.
Sidoo kale waxaa duqeymahaasi ku dhaawacmay ugu yaraan 777 oo ruux.
Xoghayaha Guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa weerarradan ku tilmaamay kuwo aad looga xumaado.
Guddoomiyaha qaramada midoobay ee arrimaha xuquuqul aadanaha Volker Türk ayaa sheegay in weerarradan xad dhaafka ah ay noqon karaan dembiyo dagaal.
Ugu yaraan 8,805 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa tan iyo 7-dii bishii hore ee Oktoobar lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Qaza .