Waxaa uu qorshuhu yahay inay maanta ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta tagaan boqorka Ingiriiska King Charles III iyo marwadiisa Queen Camilla.
Waxaa ay wadanka ku joogaan booqasho afar cishe ah oo la doonayo in lagu xoojiyo xiriirka labada dal.
Waxay booqan doonaan ciidamada badda ee Kenya oo uu Ingiriiska tababaro.
Sidoo kale boqoradda ayaa booqan doonto dad ka badbaaday tacaddiga jinsiyadeed iyo kan galmo halka boqorka Ingiriiska uu isna la kulmi doono madaxda diimeed iyo hoggaamiyaasha bulshada ee Mombasa.