Shirkadda tabarucaadda ee M-PESA Foundation ayaa daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah u fulisay 3,500 oo ka mid ah shacabka ismaamullada Trans Nzoia iyo Homa Bay.
Waxaa sidoo kale barnaamijkan ka qayb qaatay ururka dhakhaatiirta ee Flying Doctors’ Society ee Africa iyo hay’adda Zuri Health .
Adeegyada caafimaad ee dadweynaha loo fidiyay waxaa ka mid ah baaritaannada indhaha , baaritaannada kansarka saameeya naasaha, isku furanka iyo caafimaadka carruurta .
Nicholas Nganga oo ah guddoomiyaha M-Pesa Foundation ayaa sheegay inay adeegyadan ka fulin doonaan guud ahaan wadanka.