Amnesty oo doonaysa in xukunka xabsi daa’inka lagu soo reebo 20 sano

0
228

Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International laanteeda Kenya ayaa doonaysa in dowladda ay xukunka xabsi daa’inka ku beddesho 20 sano oo xabsi ah.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday Agaasimaha fulinta ee Amnesty qaybteeda dalka Irungu Houghton.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo waaxda cadaaladda ee dalka ay gudbisay soo jeedin ku aaddan isbeddelkan sharciyeed.
Irungu Houghton ayaa intaasi ku daray inay sidoo kale doonayaan in dhaqan celin loo sameeyo dadka lagu cadeeyay dembiyada ee la xukumay.