Maxkamadda oo amartay in la tarxiilo muwaadin ka soo baxsaday Zambia

0
257

Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ayaa agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka u oggolaatay inuu tarxiilo shakhsi kenyaan ah oo lagu magacaabo John Wambua Nzuki.
Ninkan oo lagu tilmaamay baxsad ayaa waxaa raadinaysa dowladda dalka Zambia waxaana loo haystaa khiyaano maaliyadeed.
Garsoore Lucas Onyina oo ka howlgalo maxkamadda Milimani ayaa tixgeliyay codsi uu maxkamadda geeyay xafiiska ODPP.
Nzuki ayaa ku eedeysan inuu intii u dhexeysay 30-kii May ilaa 1-dii Oktoobar ee sanadkii 2011-kii uu akoonnada macaamiil laga shakiyay ku wareejiyay 2,700,000 oo doolar oo uu lahaa bangiga Intermarket Bank.
Waaxda dacwad oogidda dalka oo soo dhaweysay go’aanka maxkamadda ayaa sheegtay in ninkan uu mudan yahay in wadanka laga musaafuriyo oo loo gacan geliyo dowladda Zambia si loogula xisaabtamo dacwadda uu wajahaya.