Kenya iyo Ingiriiska oo xoojinaya iskaashiga ganacsi

0
213

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladaha Kenya iyo Ingiriiska ay ka wada shaqeynayaan sare u qaadidda iskaashiga ganacsi iyo maalgashiga ka dhexeya.
Ruto ayaa xusay in labada dal ay wadaagaan xiriir qoto dheer oo la doonayo in wax wada qabsi looga faa’iidaysto.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in Kenya iyo UK ay aad u daneynayaan inay ka wada shaqeeyaan dhinacyo istaraatiiji ah sida gaashaandhigga iyo ammaanka , waxbarashada, badbaadinta deegaanka iyo la tacaalidda isbeddelka cimillada.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi uu kulan kula qaatay boqorka Ingiriiska King Charles III .
Boqorka Ingiriiska ayaa horay Kenya yimid sanadihii 1971, 1977, 1978 iyo 1987.
William Ruto oo boqorka Ingiriiska uga mahadceliyay safarkiisa Kenya ayaa dhanka kale boqortooyada Britain ku bogaadiyay dadaalka ay ku bixinaysa xoojinta xiriirka kala dhexeya dalka.