Shirkadda sameysa cilmi baarista ee Infotrak ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in barasaabyada ismaamullada Trans Nzoia iyo Homa Bay ee kala ah George Natembeya iyo Gladys Wanga ay yihiin guddoomiyaasha dowlad deegaannada ee ugu waxqabadka fiican.
Waxqabadka Natembeya iyo Wanga ayay shirkaddu ku sheegtay boqolkiiba 70.
Waxaa soo raaca barasaabka ismaamulka Galbeedka Pokot Simon Kachapin oo helay boqolkiiba 67.
Waxaa nambarka afaraad ee liiska 25-ka guddoomiye ee ugu waxqabadka fiican sanadkan soo galay barasaabka Kisii Simba Arati , dhigiisa Murang’a ,Irungu Kang’ata,Jeremiah Lomurkai oo ah guddoomiyaha ismaamulka Turkana iyo dhigiisa Makueni Mutula Kilonzo Junior waxayna heleen boqolkiiba 64.
Darasaadkan ayaa la sameeyay intii u dhexeysay bilihii Toddobaad iyo Sideedaad ee sanadkan.
Madaxa fulinta ee shirkadda Infotrak, Angela Ambitho ayaa warbixinta ku sheegtay in barasaabyada markii ugu horreeyay xilkan qabtay oo ay ka mid tahay Kawira Mwangaza in waxqabadkooda uu wanaagsan yahay.
Home Wararka Kenya Shirkadda Infotrak oo warbixin ka soo saartay waxqabadka barasaabyada ismaamullada