Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki oo maanta tagay ismaamulka Baringo ayaa sheegay in la dagaallanka kooxaha gaysta falal dambiyeedyada aan cidna looga gabban doonin.
Xilli uu ku sugnaa tuulada Loruk, ayuu Kindiki hoosta ka xarriiqay in tallaabo sharciyeed laga qaadi doono madaxda wax u dhimaya xasiloonida bulshada iyadoo aan la eegayn garabka siyaasadeed ee ay ka tirsan yihiin.
Sidoo kale waxaa uu xusay in la beegsan doono hoggaamiyaasha diimeed iyo mas’uuliyiinta bulshada haddii looga shakiyo maalgelinta iyo abaabulka dembiyada.
Wasiir Kindiki ayaa laamaha ammaanka ee gobolka Rift Valley ku amray inay u yeeraan oo ay su’aallo waydiiyaan cid kasta oo arrimahan ku lug leh.
Waxaa uu cadeeyay in baaritaano ka dib haddii la ogaado in qofka uu garab siiyay kooxaha fuliya falal dambiyeedyada in gacanta lagu dhigaya si loo maxkamadeeyo.
Wasiirka ayaa saaka qiimeyn dhanka amniga ah ka sameeyay ismaamulka Baringo iyadoo ay guud ahaan wadanka maalinkii labaad ka socdaan imtixaannada KCPE-da iyo KPSEA.
Kindiki ayaa kulan la qaatay madaxda ammaanka ee gobolka Rift Valley .