QM oo doonaysa in xabbad joojin ay ka dhaqan gasho Qaza

0
198

Mas’uuliyiinta jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa ku talinaya in golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC uu xoojiyo sidii ay gudaha Qaza uga dhaqan geli lahayd xabbad joojin degdeg ah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay weli gudaha Qaza iyo hareeraheeda ka socdaan duqeymaha Israa’iil.
Ururka Bisha Cas ee Falastiin ayaa sheegay in duqeymo dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ka gaysatay meel u dhow isbitaalka al-Quds Hospital ee magaalada Qaza ay walaac iyo cabsi ku beereen shacabka barakacay iyo shaqaalaha caafimaadka.
Dhanka kale hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka carruurta ee UNICEF ayaa sheegaysa in maalin kasta gudaha Qaza lagu dilo ama lagu dhaawaco in ka badan 420 oo carruur ah.