Macallin lagu magacaabo Nicholas Ngumbau oo la soo taagay maxkamad ku taalla ismaamulka Nairobi ayaa iska fogeeyay dacwad lagu soo oogay.
Eedeysanaha oo la xiray Khamiistii ayaa loo haystay inuu baraha la isugu diro farriimaha degdegga ah ku faafinayay warqadaha imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da isagoo ardayda ka iibinaya ka hor inta aynan billaabin imtixaannada.
Waxaa uu ka soo hormuuqday garsoore Benard Ochoi.
Nicholas Ngumbau ayaa ku eedeysan inuu furay ilaa 10 akoon oo ah baraha WhatsApp iyo Telegram isagoo warqad kasta ku iibinayay 1,500 oo shilin.
Maxkamadda ayaa ugu dambeyn Ngumbau ku amartay inuu bixiyo damaanad lacageed oo dhan 100,000 oo shilin sidoo kalena uu keeno qof lagala xiriiri karo.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii macallinkan laga soo qabtay aagga Gikambura ee ismaamulka Kiambu .
Dacwadda uu wajahaya ayay mar kale maxkamaddu soo qaadi doontaa 13-ka bisha 11-aad ee sanadkan.