Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa dugsiga hoose dhexe ee deegaanka Kikuyu Township ee ismaamulka Kiambu sheegay in dowladdu ay ku dadaali doonto in dhammaan carruurta kenyaanka ah ay fursad u helaan waxbarashada.
Waxaa uu ardayda billaabay inay sameeyaan imtixaannada KCPE-da iyo KPSEA ku boorriyay inay isku kalsoonaadaan oo ay inta karaankooda ah dadaalaan.
Hoggaamiyaha dalka ayaa ardayda u sheegay in guusha ay ku xiran tahay dadaal, habdhaqan wanaagsan iyo qadarinta macallimiinta iyo waalidiinta.
Madaxweyne William Ruto oo xusay in sanadkan wasaaradda waxbarashada la siiyay miisaaniyad ku filan ayaa sheegay in la dejiyay qorsho ku aaddan sidii ardayda ay si habsami leh ugu gudbi lahaayeen marxaladaha xiga ee tacliinta.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in dhammaan carruurta wadanka ay fursad u helayaan...