Ururka Xisbullah oo sheegay inay soo rideen diyaarad nooca aan duulliyaha lahayn oo ay leedahay Israa’iil

0
297

Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad nooca aan duulliyaha lahayn oo ay leedahay Israa’iil oo dul mareysay Koonfurta Lubnaan.
Waxay intaasi ku dareen in diyaaradda aan duulliyaha lahayn lagu garaacay gantaal meel u dhow deegaanka Khiyaam.
ilo wareedyo u warramay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in tani ay tahay markii ugu horreysay ay Xisbullah ku dhawaaqdo inay soo ridday diyaarad aan duulliye lahayn oo Israa’iil leedahay.