Dacwad oogaha guud ee maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da Karim Khan ayaa walaac ka muujiyay xaaladda baniaadannimo ee ka taagan Qaza.
Waxaa uu sheegay in dad isugu jiro rag, haween iyo carruur ay wajahayaan xaalado nololeed oo adag.
Karim Khan ayaa sheegay in aan loo baahnayn in la hor istaago bixinta gurmadka baniaadannimo.
Waxaa uu sheegay in carruurta iyo haweenka ay yihiin dad aan waxba galabsan marka la eego xeerarka caalamiga ah.
Arrimahan ayuu ka hadlay xilli uu ku sugnaa marinka Rafah.
Waxaa uu sheegay in xafiiskiisa uu diyaar u yahay xaqiijinta xuquuqda shacabka Falastiin.