Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa mar kale ku baaqay inay si degdeg ah xabbad joojin uga dhaqan gasho Qaza.
Waxaa uu xusay in xaaladda halkaasi ka taagan ay saacadba saacadda ka sii dambeysa ay ka sii dareysa.
Guterres ayaa sheegay in si wayn loogu baahan yahay xabbad joojin degdeg ah si loo soo afjaro dhiigga daadanaya.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu ka qoomameynaya in halkii ay Israa’iil garab siin lahayd gargaarka baniaadannimo ee beesha caalamka inay sii xoojisay howlgalladeeda militari.
Arrintan ayuu Antonio Guterres, xoghayaha guud ee qaramada midoobay ka hadlay xilli uu tagay caasimadda dalka Nepal ee Kathmandu.
Waxaa uu arrin aan la aqbali karin ku sheegay tirada rayidka ee la dilay iyo kuwa la dhaawacay..
Madaxa qaramada midoobay ayaa sheegay in dunida ay goobjoog ka tahay dhibaatada baniaadannimo ee aan ka qarsoonayn.




