IGAD oo doonaysa in xabbad joojin waarta ay ka dhaqangasho Suudaan

0
327

Waxaa hadda magaalada Jeddah ee boqortooyada Sacuudi Carabiya ku sugan xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu.
Xoghayaha oo matalaya golaha hoggaamiyaasha waddamada xubnaha ka ah IGAD ayaa halkaasi u joogo dardargelinta wada hadallo looga gol-leeyahay in xabbad joojin waarta laga dhaqangeliyo dalka Suudaan si aan loo carqaladeyn howlaha gargaarka.
Wada hadalladan waxaa hormuud u ah dowladaha Maraykanka iyo Sacuudiga.