Ku dhawaad 600,000 oo ku barakacay Qaza

0
271

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee Falastiin ee UNRWA ayaa sheegtay in ku dhawaad 600,000 oo qof ay ku barakaceen gudaha Qaza.
Dadkan ayaa hooy ka dhigtay 150 xarumood oo ay qaramada midoobay ku leedahay marinka Qaza.
UNRWA ayaa sidoo kale laga soo xigtay in duqeymaha Israa’iil ay saameeyeen ugu yaraan 40 ka mid ah kaabayaasheeda.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ilaa iyo hadda weerarrada Israa’iil ee Qaza lagu dilay 6,546 qof oo ay ka mid yihiin 2,704 oo carruur ah sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee wadanka Falastiin.