Madaxweynaha Faransiiska oo maanta la kulmaya boqorka Jordan

0
241

Waxaa uu qorshuhu yahay inay maanta kulmaan madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron iyo boqorka Jordan Boqor Cabdullahi II.
Kulanka ayaa ka dhici doono caasimadda Jordan ee Cammaan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee Falastiin ay ka digaysa in maanta ay danta ku qasbi karto inay joojiso howlaha gagaarka ee Qaza.
Waxay tani u aaneysay caqabad dhanka shidaalka ah.
Emmanuel Macron oo socdaal ku maraya Bariga Dhexe ayaa shalay la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas.
Dhanka kale warbaahinta dalka Falastiin ayaa ku warramaysa in maanta saddex qof lagu dilay halka dhowr kalena lagu dhaawacay weerar ay Israa’iil ka fulisay meel u dhow xerada qaxootiga ee Jenin ee Daanta Galbeed.
Weerarkan ayaa loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka.
Tani ayaa tirada Falastiiniyiinta ee lagu dilay Daanta Galbeed tan iyo 7-dii bishan Tobnaad ka dhigaysa in ka badan 100 qof.
Dhanka kale Maraykanka iyo Canada ayaa lagu wadaa inay ku biiraan baaqyada la jeedinaya ee ah in dagaalka la joojiyo si fursad loo siiyo in gargaar baniaadannimo la gaarsiiyo shacabka ku tabaaleysan Qaza.
Xoghayaha Guud ee qaramada midoobay António Guterres waxaa uu sheegay in weerarkii ururka Xamaas ee 7-dii bishan uunan ahayn mid la iska fuliyay.
Ugu yaraan 5,791 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ilaa iyo hadda lagu dilay duqeymaha Israa’iil ay ka wado Qaza halka dhanka Israa’iil tirada dhimashada ay kor u dhaaftay 1,400 oo ruux.