Waxaa la xaqiijiyay in 21 qof ku dhaawacmeen shil gaari oo aroornimadii hore ee maanta ka dhacay inta u dhexeysa wadada xiriiriso deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi iyo magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta.
Shilka ayaa waxaa uu u dhaxeeyay laba ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda oo ah nooca qaada rakaab dhan 14.
Qof goobjooge ahaa ayaa warbaahinta uga warramay sida ay wax u dhaceen.
Madaxa isbitaalka Malindi Dr. Gayo ayaa ka warramaya xaaladda dadka dhaawacyada soo gaareen