Tirada dadka ay Israa’iil ku dishay Daanta Galbeed oo korortay

0
283

Waxaa sare u sii kacday tirada dadka ku dhintay weerarro ay ciidamada Israa’iil tan iyo 7-dii bishan ay ka fulinayeen Daanta Galbeed ee dalka Falastiin.
Ilaa iyo hadda waxaa halkaasi lagu dilay 96 ruux.
Ugu yaraan 1,800 oo dheeraad ah ayaa la dhaawacay.
Israa’iil ayaa dhanka kale sheegtay in 500 oo qof oo Falastiiniyiin ah oo lagu xiray Daanta Galbeed ay xiriir la leeyihiin ururka Xamaas.
Dhanka Qaza waxaa lagu soo warramayaa in 1,500 oo ruux ay ku hoos xanniban yihiin burburka guriyo la duqeeyay.