Codsi ka dhan ahaa sii hayaha xilka madaxa cadaaladda oo dhinac la isaga dhigay

0
382

Sii hayaha xilka madaxa cadaaladda ee dalka garsoore Philomena Mwilu ayaa ka mid ah xubnaha guddiga adeegga waaxda garsoorka ee JSC ee sameynaya turxaan bixinta.
Tani ayaa timid ka dib markii waxba kama jiraan laga soo qaaday codsi uu gudbiyay mid ka mid ah shakhsiyaadka su’aalaha la weydiinaya.
Qareen sare Philip Murgor ayaa dacwaddan u bandhigay guddiga JSC.
Waxaa uu ku doodayay in Philomena Mwilu iyo mid ka mid ah 13-ka qof oo doonaya in ay David Maraga beddelaan ay hor u soo wada shaqeyeen sidaas awgeedna ay suurtagal tahay in sida shakhsiyaadka kale aan su’aalaha loo weydiin oo loo eexdo.
Balse guddiga adeegga garsoorka ee JSC ayaa sheegay in aan la soo bandhigin caddeymo lagu qanci karo oo ku aaddan in Mwilu ay suurtagal tahay in ay u eexato Fredrick Ngatia.