Ururrada rayidka oo lagu boorriyay inay dowladda kala shaqeeyaan la dagaallanka musuqmaasuqa

0
270

Madaxa waaxda adeegga dadweynaha ee dalka ahna madaxa shaqaalaha ee madaxtooyada wadanka Felix Koskei ayaa ururrada rayidka ugu baaqay inaynan mucaaradin dowladda oo ay garab ku siiyaan dagaalka ka dhanka ah falalka musuqmaasuqa.
Arrintan ayuu ka sheegay kulan uu saaka ururrada rayidka ah kula yeeshay xarunta Bomas ee magaalada Nairobi.
Koskei ayaa sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto maamul xumida iyo musuqmaasuqa saameynta ku yeeshay bulshada.
Waxaa uu intaasi ku daray in dowladda iyo ururrada rayidka oo iska kaashado xallinta dhibaatooyinkan ay horseedi doonto in lala xisaabtamo dowladda halkii keliya la eedeyn lahaa.
Hoggaamiyaasha ururradan oo ay hor kacayaan Boniface Mwangi oo u ololeeya arrimaha bulshada iyo madaxa fulinta ee hay’adda Haki Africa, Xuseen Khaalid ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ku dhaliilay in kastoo uu jeediyay hadallo ku saabsan in maamulkiisa uunan u dul qaadan doonin falalka lagu lunsado kheyraadka dadweynaha in haddana uunan hadaladaasi ka dhabeyn.
Felix Koskei ayaa dhankiisa ballan qaaday inuunan jirin sarkaal dowladeed oo musuqmaasuq ku lug yeesha oo aan tallaabo sharciyeed laga qaadi doonin.