Maxkamadda oo waxba kama jiraan ka soo qaadday magacaabidii wasiirrada Nandi

0
239

Maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha ee magaalada Eldoret ayaa sharci darro ku tilmaantay tallaabadii lagu soo magacaabay wasiirrada dowladda hoose ee ismaamulka Nandi.
Waxay arrintan saameynaysa siddeed wasiir oo uu magacaabay barasaabka ismaamulkaasi Stephen Sang.
Maxkamadda ayaa guddoomiyaha ku amray inuu mar kale xayeysiiyo in jagooyinkan ay bannaan yihiin si loo soo codsado.
Waxaa dacwaddan maxkamadda geeyay mid ka mid ah dadka ku nool Nandi ,Onesmus Kimeli.
Waxaa uu ku doodayay in barasaabka ismaamulkaasi uunan marin habraaca habboon ee dastuuriga ah markii uu wasiirrada soo magacaabayay.
Garsoore Maureen Onyango ayaa sheegtay in maadaama wasiirradan uunan turxaan bixin golaha hoose ee ismaamulka Nandi in dastuurka la baal maray sidaasi awgeedna magacaabidooda aynan sharci ahayn.