Barasaabka Nairobi oo ka carooday fal lagula kacay waratada

0
449

Barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa amar ku bixiyay in si degdeg loogu celiyo dhammaan alaabtii laga qaaday ganacsatada raashinka ku iibiya waddooyinka bartamaha caasimadda dalka ee Nairobi ee CBD-da.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee X ee horay loo oran jiray Twitter, ayuu guddoomiyaha Nairobi xusay in dhacdooyinka ka dhacay bartamaha magaalada Nairobi ay ahaayeen kuwo aad looga xumaado.
Waxaa uu wacad ku maray inuu tallaabo ka qaadi doono saraakiisha dhibaatada u gaystay waratada ku ganacsatada CBD-da.
Ciidamada minishiibiyada ee loo yaqaano ‘Gaanjo’ ayaa shalay howlgallo balaaran ka sameeyeen bartamaha magaala madaxda dalka ee Nairobi.
Barasaabka Nairobi ayaa amar degdeg ah ku bixiyay in waratada la siiyo dhammaan agabka laga haysto.
Waxaa uu sheegay in ganacsatada cuntooyiinka ku iibiyaa hareeraha waddooyiinka uu ka raaligelinaya falkii lagula kacay.
Mr. Sakaja ayaa intaasi ku daray in midkiiba uu si gaar ah u siiyay magdhow dhan 10,000 oo shilinka dalka ah.
Tallaabada uu qaaday barasaabka Nairobi ayaa timid ka dib caro ay Kenyaanka ka muujiyeen alaab laga jajabiyay ganacsatada ukunta bisil ku iibiya magaalada caasimadda ah ee Nairobi.