Madaxweyne ku xigeenka dalka oo kulan wada tashi ah la qaatay siyaasiyiinta UDA

0
225

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa kulan wada tashi ah la yeeshay xubnaha guddiga qaran ee hormuudka u ah xisbiga talada wadanka haya ee UDA.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray maamulka xisbiga wuxuuna Mr.Gachagua hoosta ka xarriiqay in la sii xoojin doono awoodda siyaasadeed ee UDA.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu qorshuhu yahay in bisha 12-aad ee sanadkan la qabto doorashooyinka deegaannada ee xisbiga.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa sheegay in kulamada joogtada ah ee uu la yeesho mas’uuliyiinta xisbiga ay horseedi doonaan in si buuxda loo dhaqangeliyo barnaamijyada dowladda.
Kulanka oo ka qabsoomo magaalada Nairobi ayaa waxaa ka qayb galay xoghayaha guud ee UDA Cleophas Malala, guddoomiyaha xisbigan ahna barasaabka ismaamulka Embu Cecily Mbarire, hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kimani Ichung’wa, senatarka ismaamulka Nandi Samson Cherargei, qasnad hayaha xisbiga Japheth Nyakundi iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dalka , kuwo hore iyo xubnaha UDA ku matalo golaha xeer dejinta bariga Afrika ee EALA.