Guddoomiyaha baarlamaanka oo xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda ee Yemen

0
219

Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Moses Wetangula ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Yemen, Axmad Bin Mubarak.
Wetangula ayaa sheegay in kulanka uu wasiirka la qaatay uu muujinaya iskaashiga adag ee taariikhiga ah iyo danaha ka dhexeya labada waddan.
Kenya iyo Yemen ayaa si gaar ah uga wada shaqeeya ganacsiga badaha tani oo Yemen ka dhigaysa marin badeecooyinka looga gudbiyo qaaradda Yurub iyadoo la adeegsanaya badda cas.
Wetangula ayaa xusay in Kenya iyo Yemen ay doonayaan inay sare u sii qaadaan iskaashiga ganacsi ee dhanka qaxwada iyo caleenta shaaha.
Waxaa uu intaasi ku daray in dowladda Kenya ay ka go’an tahay inay si wanaagsan ula macaamisho saaxiibadeeda bariga dhexe.
Moses Wetangula ayaa ganacsatada Yemen ku boorriyay inay maalgashi ka sameeyaan gudaha wadanka gaar ahaan soo saaridda cunnada.
Waxaa uu dhanka kale nabad waarta u rajeeyay dalka Yemen oo ay colaado ragaadiyeen.