Waxaa si lama filaan ah albaabada la isugu dhuftay dugsiga sare ee wiilasha ee Riokindo oo ku yaalla ismaamulka Kisii.
Tani ayaa timid ka dib markii dab xalay fiidkii xaruntaasi ka kacay uu burburiyay saddex ka mid ah qaybaha ay ardayda seexdaan .
Dabka ayaa la soo tabiyay xilli ay ardayda qaadanayeen casharro dheeraad ah.
Qiimaha hantida burburtay ayaa lagu qiyaasay 4 milyan oo shilin.
Maamulaka dugsigaasi ,Gerald Orina ayaa dhacdadan xaqiijiyay wuxuuna intaasi ku daray inay korontada maqnayd ka dibna markii ay dib u soo laabatay uu dabka kacay.
Ma jiro arday ku dhintay ama ku dhaawacmay dhacdadaasi.




