Senatarka Narok oo soo jeediyay in xilka barasaabnimo ay isku wareejiyaan rag iyo haween

0
279

Senatarka ismaamulka Narok Ledama Ole Kina ayaa u ololeynaya in xilka barasaabnimo ee dowlad deegaannada wadanka uu noqdo mid ay ku kala wareegaan labo qof oo aan isku jinsi ahayn.
Waxaa uu sheegay in tani ay haweenka fursad u siin doonto xilalka hoggaamineed.
Ole Kina ayaa baraha bulshada soo dhigay qoraal uu ku sheegaya in haddii sanadkii hore uu jagada guddoomiyaha ee ismaamulka qabtay qof rag ah in doorashada xiga la doonayo in haweeney loo doorto.
Waxaa uu doonaya in tani xeer dastuuri ah laga dhigo maadaama sida uu sheegay haweenka ay ka musuqmaasuq yaryihiin ragga.