In ka badan 160,000 oo ah xaaladaha cusub ee corona oo laga diiwaangeliyay India

0
439

Wasaaradda caafimaadka ee dalka India ayaa sheegtay in ay xaqiijisay xaalado cusub oo ah kuwa cudurka COVID-19 oo gaaraya 168,912.
Tirada guud ee kiisaska caabuqa corona ee ilaa iyo hadda gudaha wadankaas laga diiwaangeliyay ayaa dhan 13.53 milyan.
Sidoo kale waxaa 24-kii saac ee ugu dambeeyay gudaha India xanuunka COVID-19 ugu dhintay 904, tani oo tirada guud ee dhimashada ka dhigaysa 170,179.
India ayaa hadda ah wadanka labaad ee dunida marka la eego tirada kiisaska corona ee la diiwaangeliyay.
Waxay ka sare martay Brazil oo xaaladaha guud ahaan laga xaqiijiyay ay yihiin 13.45 milyan waxaana kiisaska ugu tirada badan caalamka ee ah 31.2 milyan laga soo tabiyay Maraykanka .