DCI oo u yeertay siyaasiyiin uu ka mid yahay xildhibaanka Mavoko

0
267

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa u yeertay mudanaha deegaanka Mavoko ee ismaamulka Machakos Patrick Makau iyo 29 qof oo kale.
Waxaa la doonaya inay qoraan farriimo ku saabsan qaabka lagu iibiyay dhul ay leedahay shirkadda soo saarto shamiitada ee Portland Cement Company.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo shirkadda ay sheegtay inay heshay amar maxkamadeed oo ay dib ugula wareegi karto dhulkaasi.
Waxaa maalmihii ugu dambeeyay deegaankaasi ka socday burburinta dhismooyin iyo guriyo kala duwan taasoo hooy la’aan dhigtay boqolaal qoysas ah halka ganacsato badanna uu soo gaaray khasaare hantiyeed.
Waaxda dambi baarista dalka ayaa sheegtay in baaritaannada horudhaca ah ay muujinayaan in dadkii dhulkaasi iibsaday badankooda la khiyaanay sidaasi awgeedna la doonayo in tallaabo sharciyeed laga qaado shakhsiyaadkii dhulkan iibiyay.