Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in la filaya inay dhowr ka mid ah gobollada wadanka roobab ka da’aan inta u dhexeysa 17-ka ilaa 23-ka bishan Tobnaad.
Agaasimaha waaxdan David Gikungu ayaa arrinkan maanta warbixin ku sheegay.
Waxaa uu intaasi ku daray in duufaan ay saameyn karto meelaha qaar sida buuraha sare ee bariga iyo galbeedka Rift Valley, dhanka harada Lake Victoria , gobolka Waqooyi Bari iyo Waqooyiga Galbeed ee Kenya.
Sidoo kale waxaa la rajeynaya in roobab aan badneyn ay da’aan galinka dambe iyo habeenkii.
Meelaha la filaya inay galinka hore roobab ka da’aan waxaa ka mid ah ismaamullada Turkana , Samburu , Nairobi,Nyandarua, Laikipia, Nyeri, Kirinyaga, Murang’a, Kiambu, Meru, Embu iyo Tharaka-Nithi .
Ismaamullada waqooyiga sida Marsabit, Mandera, Wajeer, Garissa iyo Isiolo ayaa la rajeynaya inay roobabka ka da’aan subixii , galabtii iyo habeenkii.