Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ayaa siidaysay ganacsade lagu magacaabo Ben Gethi, Peter Mangiti oo horay xoghaye wasaaradeed u soo noqday , agaasimihii guud ee hore ee adeegga qaran ee dhallinyarada NYS ,Nelson Githinji iyo shakhsiyaad kale.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu waayay wax caddeyn ah oo muujinaysa ku lug lahaanshaha fadeexad NYS looga lunsaday 791 milyan oo shilin.
Waxay maxkamaddu sheegtay in haweeney ganacsato ah oo lagu magacaabo Josphine Kabura iyo afar kale oo fadeexaddan lala xiriiriyay laga doonayo inay iska difaacaan eedeymaha loo jeediyay.
Garsoore Wendy Micheni ayaa sheegtay in saraakiisha waaxda dacwad oogidda ay ku tiirsanayeen xog guud oo aan lagu caddeyn karin qaab dokumeenti ama elektoroonik ah.
Waaxda dacwad oogidda ayaa soo bandhigtay in ka badan 50 oo la doonayay inay ku marqaati kacaan Peter Mangiti iyo tuhmanayaasha kale.
Sanadkii 2015-kii ayay ahayd markii ay fadeexaddan saameysay wasaaradda dowlad wadaajinta.