Guddiga JSC oo maanta su’aalo weydiin doono shakhsiyaad soo codsaday jagada madaxa cadaaladda

0
431

Guddiga adeegga garsoorka ee JSC ayaa lagu wadaa in uu maanta billaabo fadhiyo su’aalo lagu weydiin doono shakhsiyaad doonaya in ay noqdaan madaxa cadaaladda ee dalka.
Su’aalahan ayaa ah kuwo lagu qiimeynaya aqoontooda dhanka sharciga, khibradooda iyo sida ay ugu qalmaan in ay beddelaan David Maraga oo horraantii sanadkan howlgab noqday.
13 qof ayaa soo dirsaday codsiyo arrinkan ku aaddan balse waxaa liiskaas lagu soo koobay 10 oo su’aalo kala duwan uga jawaabi doono xubnaha guddiga adeegga garsoorka ee JSC.
JSC ayaa sheegtay in qiimeynta lagu qaban doona dhismaha maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee magaaladatani Nairobi iyadoona la soo gabagabeyn doona 23-ka bishaan.
Garsoore Chitembwe Saciid Juma ayaa noqon doono mas’uulka ugu horreeya oo su’aalaha la weydiin doono maanta abaare 9-ka subaxnimo.
Garsoorayaasha iyo garyaqaanada kale ee qiimeynta lagu sameyn doona ayaa kala ah Prof .Kameri Mbote, Koome Martha, Marete Njagi , Philip Murgor , Mathew Nderi , Fredric Ngatia , Ouko William Okelllo , Dr Moni Wekesa iyo Yano Alice Jepkoech.