Esther Njeri oo loo magacaabay madaxa fulinta ee KEBS

0
139

Wasiiradda wasaaradda ganacsiga , maalgashiga iyo warshadaha ee dalka Rebecca Miano ayaa Esther Njeri Ngari u magacawday madaxa cusub ee fulinta ee waaxda tayadhowrka badeecooyinka ee (KEBS).
Arrinkan ayaa shaaca looga qaaday wargelinta rasmiga ee dowladda dhexe oo ku taariikheysan 13-kii bishan Tobnaad.
Waxay xilkan hayn doontaa muddo saddex sano ah.
Ngari ayaa ka mid ahayd 8 qof oo jagadan u tartamayay oo uu turxaan bixiyay golaha qaran ee tayadhowrka ee (NSC).
Waxay ka mid noqotay saddexdii qof ee ugu horreeyay natiijada turxaan bixinta ee wasiiradda loo bandhigay si ay mid ka mid ah u magacawdo.
Waxay heshay buundo dhan boqolkiiba 77.2 waxaana ka horreeyay Moses Osudi Otoa oo helay buundo dhan boqolkiiba 78.78.
Xilka madaxa fulinta ee shirkadda KEBS ee ay haweeneydan buuxinaysa ayaa waxaa baneeyay Bernard Njiriani oo isaga iyo 27 howlwadeeno kale uu shaqada ka joojiyay madaxweynaha dalka William Ruto ka dib markii sonkor horay loo qabtay oo tayadeeda shaki la geliyay dib loogu fasaxay suuqa.
Esther Ngari ayaa tani iyo xilligaasi jagadan si ku meel gaar ah u sii haysay.