Xoghayaha waaxda horumarinta ganacsiyada oo shil gashay

0
304

Waxaa lagu soo warramayaa inuu hal qof dhintay xilli ay shil gashay xoghayaha joogtada ee waaxda horumarinta ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe ee dalka Susan Mang’eni.
Shilka ayaa laga soo tabiyay aagga Korinda ee ismaamulka Busia.
Xoghayaha ayay dhaawacyo soo gaareen waxaana la geeyay isbitaalka Busia si loo daaweeyo.
Shilka ayaa u dhexeyay gaariga xoghayaha joogtada ee waaxda horumarinta ganacsiyada yaryar iyo mooto iyadoo wadihii dhugdhugleyda uu isla goobta ku geeriyooday.