Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha , waxqabadka iyo bixinta adeegyada ee dalka Moses Kuria ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in qaar ka mid ah warbaahinta wadanka ay fasiraad aan sax ahayn ka bixiyeen hadal uu jeediyay oo ku saabsanaa xarumaha laga helo adeegyada aasaasiga ee Huduma.
Waxaa uu xusay in shacabka ay qarashaad ku bixiyaan waaxyo adeegyadooda laga fidiyo xarumahan balse in waaxyahan aynan lacago ku wareejin xarumaha Huduma taasoo ku qasabtay inay boqolkiiba boqol ku tiirsanadaan wasaaradda maaliyadda.
Moses Kuria ayaa cadeeyay in dadweynaha aan lacago laga qaadi doonin marka ay Huduma Centres u raadsadaan adeegyada aasaasiga ee ay u baahan yihiin oo ay qarashaadkan bixin doonaan waaxyaha.
Dhanka kale Moses Kuria ayaa sheegay inuu si dhow ula socon doono mashaariicda dowladda dhexe iyo ismaamullada.
Wasiirka ayaa sheegay in cid kasta laga doonayo inay ku dadaasho sidii mashaariicdan loogu dhameystiri lahaa xilligii loogu tala galay.
Moses Kuria ayaa xusay inuunan marnaba aqbali doonin habacsanaan dhanka shaqada iyo fulinta mashaariicda horumarineed ah oo uu sidaasi awgeed qaybaha kala duwan ee wadanka ku mari doono socdaallo uu tani ku xaqiijinaya.




