Dowladda oo Marsabit ka hirgelisay xarun amni

0
284

Dowladda dhexe ayaa ismaamulka Marsabit ka furtay xarun loogu tala galay in si rasmi ah looga kala goosho wadamada dariska ah ee Kenya iyo Itoobiya.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha , Dr. Raymond Omollo ayaa sheegay in tani looga gol-leeyahay xoojinta nabad galyada xuduudda labada waddan.
Waxaa uu sheegay in xarunta Banya Fort ay noqon doonto midda rasmiga ah ee ay Kenya ka soo galaan dadka ka yimid Itoobiya ama ay ka baxaan dadka dhanka kale u gudbaya.
Xoghayaha ayaa intaasi ku daray in tani ay ka hor tag u noqon doonto socdaalka sharci darrada ah.