Mudanayaasha baarlamaanka dalka ayaa ka soo hor jeestay isbeddel la doonayo in lagu sameeyo xeerka dembiyada dhaqaale iyo la dagaallanka musuqmaasuqa oo la soo saaray sanadkii 2003.
Xildhibaannada ayaa sheegay in haddii xeerkan la beddelo uu fududaan karo bartilmaameedsi aan sax ahayn.
Waxaa la doonayay in la meel mariyo in shaqaalaha dowladda ee wajahaya baaritaannada la xiriira musuqa uu xafiiska banneeyo ilaa iyo inta laga soo gabagabeynaya baaritaannada ka dhanka ah .
Sidoo kale waxaa soo jeedinta qayb ka ah in sarkaalka dowladeed ee ay baaritaannada ku socdaan inuunan qaban karin howl rasmi ah ama haddii uu mudane yahay uunan codkiisa ka dhiiban karin arrin uu baarlamaanka u codeynaya.
Hasa ahaate guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha cadaaladda iyo dastuurka ee baarlamaanka ee JLAC ,Mwengi Mutuse ayaa sheegay in tani ay saameyn ka dhalan karto.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in haddii tusaale mudanaha la soo doortay uu wajahaya baaritaan oo uu xafiiska banneeyo in meel looga dhacaya xuquuqda codbixiyeyaasha ee dhanka matalaadda siyaasadeed.
Robert Mbui oo ah ku xigeenka madaxa garabka mucaaradka ee Azimio u qaabilsan dhanka abaabulka ee baarlamaanka ayaa dhankiisa sheegay inay xafiisyada dowladda tagaan shakhsiyaad eedeymo badan jeedinaya sidaasi awgeedna aan loo fasiran karin in sarkaalka dowladeed ee la eedeyay uu dembi sameeyay ka hor inta aan looga caddeyn.




