Qaar ka mid ah siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja ayaa doonaya in la mamnuuco in Jimcada qof xabsiga loo taxaabo haddii aynan jirin xaalad gaar ah oo tani sababi karta.
Xildhibaanka deegaanka Mathare, Anthony Oluoch iyo dhigiisa bariga Embakasi ee ismaamulka Nairobi , Babu Owino ayaa qoraal arrinkan ku aaddan u gudbiyay guddiga wada hadallada qaran ka wado xarunta Bomas.
Mudanayaasha ayaa sheegay in xabsi geynta Jimcada ay tahay mid xoojinaysa ku tagriifalka nidaamyada cadaaladda ee dalka.
Xildhibaanka deegaanka Mathare ayaa xusay in guddiga wada hadallada qaran laga doonayo inuu arrinkan xal u helo xita haddii ay tahay in maxkamadaha ay shaqeeyaan ilaa saqda dhexe si qofka marka la xiro maalinka Jimcada ah , habeenkii loogu siidaayo damaanad.
9-kii bishii Saddexaad ee sanadkii 2020-kii ayay ahayd markii garsoore George Odunga oo sheegay in dadka la qabto Jimcada si Isniinta maxkamad loo soo taago ay tahay arrin sharci darro ah.
Dastuurka dalka ayaa qeexaya in aan qofka eedeysanaha ah xabsi lagu hayn karin wax ka badan 24 saacadood iyadoo aan dacwad lagu soo oogin.




