Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in qorshaha dowladda dhexe uu yahay in muddo saddex bilood gudaheeda ah lagu buuxiyo jagooyinka bannaan ee guddoomiye xaafadeedyada iyo ku xigeenadooda.
Waxaa uu sheegay in geeddisocodkan uu hadda socdo oo lagu howlan yahay in turxaan bixin lagu sameeyo shakhsiyaadka daneynaya xilalkan.
Kindiki ayaa xusay in jagooyinkan ay bannaanadeen ka dib markii mas’uuliyiintii hayay ay geeriyoodeen , shaqada laga joojiyay ama ay howlgab noqdeen.