DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo amray in shaqooyinka laga joojiyo 29 ka mid ah saraakiisha waaxda keymaha

0
272

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa amar ku bixiyay in shaqooyinka ay hayaan laga joojiyo 29 ka mid ah saraakiisha adeegga keymaha ee KFS.
Tani ayaa timid ka dib markii shakhsiyaadkan lagu eedeyay musuqmaasuq iyo inaynan waajibaadkooda uga soo bixin sidii laga doonayay.

Saraakiishan ayaa isugu jiro 6 maareeyayaal ah iyo 23 oo ilaaliya keymaha wadanka.
Howlwadeennadan oo ay dhammaan baaritaano ku haysa waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa ku eedeysan inaynan ka hor tagin burburinta keymaha wadanka.
Waxaa dacwado lagu soo oogi doonaa ka dib marka baaritaannada ka dhanka ah la soo gabagabeeyo.
Madaxweyne William Ruto ayaa dhanka kale guddiga adeegga keymaha ee dalka ku amray inuu meesha ka saaro dhammaan saraakiisha musuqmaasuqa ku lugta leh ama dayaca waajibaadkooda shaqo.
Arrintan ayuu ka sheegay magaalada Gilgil ee ismaamulka Nakuru oo ay ku qalinjabinayeen saraakiil ku biiraya adeegga keymaha ee dalka ee KFS oo uu tababar u soo idlaaday.
Madaxweynaha dalka ayaa dhanka kale soo hadal qaaday saameynta isbeddelka ku yimaada cimillada isagoo sheegay in siyaabaha lagula tacaali karo ay ka mid tahay qorshaha dowladda ee muddo 10 sano gudaheeda ah lagu beeraya 15 bilyan oo geedo ah.