Waxaa maanta maxkamad la soo taagaya sarkaal ka tirsan ciidamada sida militariga u tababaran ee GSU-da.
Askarigan ayaa lagu eedeyay inuu sanadkii 2020-kii afar qof ku toogtay ismaamulka Kajiado.
Dilkaasi ayaa ka dhacay aagga Masimba xilli uu dibadbax socday.
Cornelio Nabwera Tokoi ayaa ka mid ah sagaal eedeysanayaal oo ka tirsan GSU-da oo loo haysto toogasho dhacday 2-dii bishii Lixaad ee sanadkii 2020-kii.
Waxaa xilligaasi mudaaharaad sameynayay dad shacab ah oo walaac ka muujinayay waxyeellada duurjoogta.
Askari ayaa looga fadhiyaa inuu maxkamadda la wadaago wax uu ka ogyahay dilalkaasi iyo dhaawac la gaarsiiyay 6 qof oo kale.




