Senatar doonaya in dhaca xoolaha loo aqoonsado musiibo qaran

0
298

Senatarka ismaamulka Baringo ,William Cheptumo ayaa aqalka sare ee dalka u gudbiyay mooshin uu ku doonaya in dhaca xoolaha loo aqoonsado inay tahay musiibo qaran.
Waxaa uu senatarkan ku talinaya in la soo dhiso sanduuq gaar ah oo lacago magdhow ah laga siin karo dhibbanayaasha ay falalkan saameeyeen.
Cheptumo ayaa hoosta ka xarriiqay in dhaca xoolaha ay khatar amni ku noqotay dadweynaha ku nool Waqooyiga iyo Koonfurta gobolka Rift Valley iyo deegaannada kale ee dalka.
Senatarka ayaa sidoo kale doonaya in guddi gaar ah oo ay soo magacaabaysa wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka uu baaritaano ku sameeyo khasaaraha ay burcadda xoolaha dhacda u gaysteen xoolo dhaqatada iyo sababaha keena in dhacdooyinkan ay soo noqnoqdaan.
Waxaa uu qorshuhu yahay in senatarrada aqalka sare ay maanta eegaan mooshinka uu gudbiyay senatarka ismaamulka Baringo William Cheptumo.