Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka Moses Kuria ayaa soo jeediyay in la adeegsado aqoonta iyo waaya aragnimada dhanka dhaqanka ah si loo xalliyo caqabadaha hadda jira.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in waayihii hore ay jireen xeerar dhaqameed lagula tacaali jiray isku dhacyada.
Kuria ayaa arrintan ka sheegay dabbaal degii shalay ee maalinta qaran ee dhaqanka.
Waxaa uu ku celceliyay in la doonayo in la adeegsado nidaamkii hore ee waxgaradka bulshooyinka kala duwan iyadoo loo wajahaya hab casri ah oo cadaalad iyo sinnaan ku saleysan.




