Laamaha ammaanka ee dalka ayaa gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA magaalada Nairobi ku qabtay nin dhalasho ahaan ka soo jeedo wadanka Indonesia.
Waxaa uu ku eedeysan yahay inuu sitay foolasha maroodiga oo culeyskoodu yahay 38.4 kiilogaraam.
Qiimaha lacageed ee foolasha maroodiga ee la qabtay ayaa ah 10 milyan oo shilin.
Waxaa arrinkan bayaan ku xaqiijiyay maamulka maareeya garoomada diyaaradaha dalka ee (KAA) oo sheegay in xamuulkan laga war helay xilli ay baaritaano sameynayeen qaybta booliiska ee garoomada diyaaradaha ee (KAPU).
4-tii bishii Toddobaad ee sanadkan ayay ahayd markii nin la soo taagay maxkamadda Mariakani isagoo lagu eedeyay inuu sitay 156 kiilogaraam oo foolasha maroodiga ah .




