DHAGEYSO:EACC oo dib u soo celisay dhul la dhacay oo ku yaalla Kwale

0
315

Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa dib u soo celiyay dhul daweyne oo shakhsiyaad gaar ah ay si boob ah ku qaateen.
Madaxa fulinta ee guddiga EACC, Twalib Mbarak ayaa qiimiha dhulkan ku sheegay 1.2 bilyan oo shilin.
Dhulkan ayuu sidoo kale cabbirkiisu ku sheegay 32 hektar.
Twalib Mbarak ayaa ku adkaystay in guddiga EACC uu sii wadi doono soo celinta dhammaan dhulalka sida sharci darrada ah loo haysto.

Dhanka kale, waxaa tallaabadan ka mahadcelisay barasaabka ismaamulka Kwale Faatuma Maxamad Achani.