DHAGEYSO:Dowladda oo isbuucan shaacin doonto magacyada eedeysanayaasha argagixisannimo

0
368

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in toddobaadkan gudihiisa la shaacin doono magacyada shakhsiyaadka ku eedeysan inay ka dambeeyaan falalka argagixisannimo ee ka dhacay ismaamulka Lamu ee gobolka Xeebta.
Wasiirka ayaa xusay in dowladdu ay aqoonsatay hor joogayaasha iyo qaban qaabiyaasha dhibaatooyin ka dhacay Lamu iyadoo diin iyo tabashooyin taariikhi ah la adeegsanaya si qiil loogu raadiyo dilalka shacabka.
Kindiki ayaa sheegay inay qasab tahay in eedeysanayaasha magacyadooda la soo bandhigi doono ay isku dhiibaan saldhigga booliiska ee ugu dhow .
Waxaa uu xusay in la cirib tiri doono dhammaan kooxaha gaysta falal dambiyeedyada .
Sidoo kale waxaa uu wasiirku tilmaamay inuu xiriir toos ah ka dhexeya xaqiijinta nabad galyada iyo dib u soo nooleynta dhaqaalaha.
Kithure Kindiki ayaa sheegay in Kenya laga dhigi doono waddan leh ammaan buuxa oo ay ku soo hirtaan maalgashatada caalamiga ah.