Siyaasiyiin gaaraya 28 oo ka tirsan xisbiyo kala duwan kuwaasoo ka soo jeedo ismaamullada Machakos , Kitui iyo Makueni ayaa shaaca ka qaaday inay u midoobi doonaan sidii gobolkaasi uu uga faa’iidaysan lahaa barnaamijyada horumarineed ee dowladda.
Madaxdan oo uu ka mid yahay barasaab ku xigeenka Machakos Francis Mwangangi Kilonzo ayaa xusay inay dhinac iskaga dhigi doonaan kala duwanaanshahooda siyaasadeed si xoogga loo saaro danta guud ee dadweynaha.




